LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jaamacadda Carabta oo War kasoo saartay asnixinta Dastuurka

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa soo dhaweeyay ansixinta baarlamaanka labada Aqal ee Dastuurka dalka ,kaas oo siwye  uga soo horjeedaan siyaasiyinta mucaaradka ee ku mideysan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Inta badan Shacabka Soomaaliyeed.

War saxaafadeed kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in ansixinta dastuurka ay tahay tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya iyo xoojinta nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan sharciga. Sidoo kale, tallaabadan ayaa gacan ka geysan doonta kala soocidda awoodaha dowladda, ilaalinta xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyo adkeynta midnimada dalka.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Jamaal Roshdi, ayaa sheegay in ansixinta dastuurku ay muujinayso dadaallo qaran oo ay sameeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, loona hormariyo dowlad wanaagga iyo horumarka waara.

Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo xoojiyo amniga, loo horumariyo hay’adaha dimuqraadiyadda, loona gaaro nabad iyo barwaaqo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *