LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Arrin kusoo korortay Xildhibaannada Somalia ku metelaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Xildhibaanada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika ee East African Community (EAC) ayaa lagu wadaa in lagu dhaariyo magaalada Arusha maalinta Isniinta ah ee 16-ka Maarso, kaddib muddo hakad ku jiray ka qeybgalka Soomaaliya ee baarlamaanka ururkaas.

Soomaaliya waxaa ku matalaya sagaal xubnood oo ka tirsan East African Legislative Assembly (EALA). Xubnahan ayaa muddo aan la dhaarin sababo la xiriira qaaraanka ururka oo ay Soomaaliya ku yeelatay dib-u-dhac, arrintaas oo keentay in guddoonka baarlamaanka EAC uu hakiyo dhaarintooda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Soomaaliya weli aysan bixin qaaraanka sannadlaha ah ee ku waajibay sanadka 2025, hase yeeshee waxaa la gaaray heshiis siyaasadeed oo gaar ah oo u oggolaanaya in xubnahan la dhaariyo. Heshiiskan ayaa la sheegay in uu ka dhashay wada-xaajoodyo dhexmaray madaxda ururka intii uu socday shir-madaxeedkii East African Community ee 7-dii bishan Maarso lagu qabtay Tanzania.

Sida ku cad heshiiskaas, Soomaaliya waxaa la siiyay waqti kama dambays ah oo ay ku bixinayso qaaraanka ku waajibay si ay si buuxda ugu gudato waajibaadkeeda xubinnimo.

Dhaarinta xildhibaanadan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo dhammaystir u ah geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee ururka East African Community, taas oo ka dhigan in dalka uu si rasmi ah uga qaybqaadan doono hay’adaha sharci-dejinta ee ururka.

Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa door muuqda ka qaatay dadaallada lagu xaqiijinayo ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC. Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaantay arrintan mid ka mid ah guulaha siyaasadeed ee muhiimka ah ee lagu gaaray muddada xil-haynta cusub ee madaxweynaha.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xafiiska Madaxweynaha uu qorshaynayo in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo guushan siyaasadeed kaddib safarka Madaxweynaha ee uu ku tegay Djibouti, iyadoo la filayo in dowladda ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso tallaabooyinka xiga ee ku aaddan doorka Soomaaliya ee ururka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *