DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Danjiraha Cusub ee Somalia dalka Nigeria oo safraya, xilli dhulkii safaaradda la iibiyay

Danjire Maxamed Cusmaan Maxamed oo dhawaan loo magacaabay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria ayaa lagu wadaa inuu bilowga toddobaadkan u safro magaalada Abuja, halkaas oo uu si rasmi ah uga bilaabi doono howlaha diblomaasiyadeed ee safaaradda.

Danjiraha ayaa la filayaa inuu la wareego mas’uuliyadda safaaradda Soomaaliya ee Nigeria, isla markaana uu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria.

Tagitaanka Danjire Maxamed Cusmaan Maxamed ee Abuja ayaa kusoo beegmaya xilli hantidii ay dowladdu ku lahayd dalkaas, oo ay kamid tahay dhismihii Safaaradda Soomaaliya, la sheegay in laga iibiyay shirkad gaar loo leeyahay. Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn la xiriirta mustaqbalka goobta ay safaaraddu ku shaqeyn doonto.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore sidoo kale magacaawday laba safiir oo kale. Danjire Cabdifitaax Sheekh Axmed oo hore u ahaa Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Baghdaad ayaa loo magacaabay xil safiirnimo, halka Danjire Aadam Isaaq Cali oo hore u ahaa Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya isna loo magacaabay safiir.

Magacaabista safiirradan cusub ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo matalaadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku leedahay dalalka caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *