Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wada-hadal Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Qatar, Sheekh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani. Intii uu socday wada-hadalka, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Somalia ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas. Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay falalka amni-darro ee lagu bartilmaameedsaday Qatar, isaga oo adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay walaalaha Qatar xilligan adag.…
Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan inay si toos ah ugu biiraan dagaalka ka socda Bariga Dhexe, iyagoo sheegay inay garab istaagayaan dowladda Iiraan. Hadalkan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan in colaadda gobolka ay sii ballaaran karto. Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta, oo si rasmi ah loo yaqaan dhaqdhaqaaqa Ansar Allah, ayaa sheegay in kooxda ay diyaar u tahay inay “qaaddo tallaabooyin milatari oo dheeraad ah” haddii xaaladda gobolka ay sii xumaato. Wuxuu xusay in ay u arkaan inay waajib ku tahay inay taageeraan xulafadooda gobolka, gaar ahaan Iran. Kooxda Xuutiyiinta ayaa horey…
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa weli u xiran qaar kamid ah Dhalinyarada ku Shaqeysta Mootooyinka Bajaajka oo la xiray, iyaga oo ka bannaanbaxayay qiima kororka Shidaalka. Dhalinyarada xiran ayaa waxaa ay kala yihiin Cabdi Cali Ibraahim ( Cabdi Dheere), Sayid Cali Cabdiladiif Cabdullaahi ( Saan miyaa) iyo Xasan Xuseen Cabdi oo Habeenkii Afaraad ku hoyday Saldhigga hodan halka Sacdiyo Macalin Cali Habeenkii 2aad ee xalay ku hoyatay Saldhigga Hodan. Wararka aan helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta oo Sabti ah dhapinyaradaas Bajaajleyda ah a horgeyn doono Maxkamadda Gobolka Banaadir, balse aan la ogeyn qodobka lagu Eedeyn doono. Sacdiyo Macalin…
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Jaamacadda Carabta iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareeyay xiritaanka Masjidka Al-Aqsa ee ay Israa’iil ku soo rogtay dadka cibaadaysanaya, gaar ahaan xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan. Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen saddexdan hay’adood ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub culus oo ka dhan ah xaaladda taariikhiga iyo sharci ee goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus, isla markaana ay dhaawacayso xorriyadda cibaadada. Hay’adaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda gaarka ah ee ay Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa u leeyihiin Muslimiinta caalamka, iyagoo xusay in masaajidka uu yahay qibladii…
Dagaal hub culus laysu adeegsanayo ayaa ka ka socda Kaantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo u dhaxeeyay laba ciidan oo ka wada tirsan maamulka Puntland. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah ciidamada ay shalay xirteen Kaantaroolka Boosaaso, taasoo sababtay in hakad uu ku yimaado isu-socodka dadka iyo gaadiidka ganacsiga ee soo gala ama ka baxa magaalada. Ciidamada ka gadooday ayaa la sheegay inay ka cabanayeen mushaar la’aan muddo soo jirtay. Sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen, iska horimaadka ayaa yimid markii la weeraray ciidamada gadiodka sameeyay, waxaana dagaalka uu sababay khasaare dhaawac ah,…
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 22 Xubnood oo ku howlanaa abaabulka isku dayo lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed. Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, waxaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Weerarka Dumaaye waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogeyaasha kala ah: Xudeyfa Galinle (gacanyarihii Wakiilka Mudug), Qataatow (madaxii hore ee maleeshiyaadka…
Wararka ka imaanaya dhulka buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo askari ay ku geeriyoodeen qarax maanta lala beegsaday gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaas oo howlgallo xoogan ka waday Buuraha Cal-miskaad. Qaraxa oo la sheegay inuu ka dhashay miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa ka dhacay waddada cusub ee isku xirta magaalada Boosaaso iyo tuulada Dhaadaar ee degmada Qandala. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, ciidamada la beegsaday ayaa xilligaas ku guda jiray howlgal miino baaris ah oo ay ka wadeen wadadaasi. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa ka…
Dowladda Jabuuti ayaa la filayaa inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo cusub oo ka qayb qaadanaya hawlgallada nabad-ilaalinta ee dalka ka socda, kuwaas oo la geynayo qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan. Ciidamadan ayaa ka tirsan guutooyinka Hiilwalaal ee dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa inay Soomaaliya soo gaaraan 16-ka bisha Maarso ee sanadkan, sida uu baahiyay Telefishinka Dowladda Jabuuti. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qayb ka noqon doonaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyaga oo la shaqayn doona ciidamada kale ee ku jira howlgalka nabad-ilaalinta. Dowladda Jabuuti ayaa muddo dheer ka mid ahayd dalalka sida dhow ula garab…
Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu maamulka Koonfur Galbeed ku dhawaaqo inuu hakiyay xiriirkii kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar soo baxaya iyo qoraal lagu daabacay baraha bulshada. La-taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Xildhibaan hore Idiris Cabdi Taktar, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay in xiriirka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka uu si weyn u xumaaday maalmihii la soo dhaafay, isla markaana saacadaha soo socda uu Maamulka Koonfur Galbeed xiriirka u jarayo dowladda Soomaaliya. Xiisaddan ayaa sii xoogeysatay kaddib markii magaalada Baydhabo ay ku dagaallameen ciidamo…
Diyaaradaha dagaalka ayaa maanta duqayn xooggan ka fuliyay duleedka deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in aroortii hore ee saakay la maqlay jugo culus oo dhowr jeer ah, kuwaas oo ka dhacay deegaano ku teedsan Xawaadleey. Dhawaqa qaraxyada ayaa la sheegay in uu socday ilaa xilliga ay dadku ku jireen salaadda Jimcaha iyo qudbadeeda. Saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in duqaynta lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan godad ay…