Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa xiray waddada muhiimka ah ee isku xirta gobollada dhexe iyo dekedda magaalada Boosaaso. Ciidamadan ayaa xannibay waddada u dhexeysa kaantaroolka magaalada Boosaaso iyo ex-kaantaroolka, taasoo sababtay in gabi ahaanba hakad galo isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ganacsiga ee mari jiray jidkaas. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in tallaabada ay qaadeen ciidamadu ay la xiriirto cabashooyin ku saabsan mushaharro ay sheegeen in muddo aan la siin. Xiritaanka waddada ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama jidkani yahay mid muhiim u ah isku xirka Boosaaso iyo…
Dagaal kooban ayaa ka dhacay Hotel Dayax oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaas oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) iyo ilaalada hotelka. Wararka la helayo ayaa sheegaya in iska horimaadka uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan sirdoonka ay isku dayeen inay hub ka qaadaan mid ka mid ah waardiyeyaasha hotelka. Sida ay sheegayaan ilo goob joogayaal ah, waardiyaha ayaa diiday inuu hubka wareejiyo, taasoo keentay in muranka uu isu beddelo rasaas la is dhaafsado. Iska horimaadkaas ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah ilaalada hotelka oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Raage,…
Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka duntay, xilli la sheegay in uu marayay gaari nooca xamuulka qaada ah oo agab kala duwan u siday deegaankaasi. Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in burburka buundada uu dhacay xilli gaariga xamuulka ah uu dul marayay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi. Buundadan ayaa horey u burburisay kooxda Al-Shabaab kadib qaraxyo ay ka fuliyeen halkaasi, balse dib ayaa loo dhisay. Bishii December ee sanadkii 2025 ayay saraakiil ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga si rasmi ah…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay horay uga gudubtay marxaladii ku wajahnayd dhismaha dawladnimo iyo xaqiijinta nabadda, isaga oo tilmaamay in tallaabada xigta ay noqonayso helitaanka aqoonsi caalami ah. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sidaas ku sheegay mar uu Hargeysa ugu warramay Wargeyska caalamiga ah ee Financial Times, wuxuunu caddeeyay in tan iyo markii la doortay sannadkii 2024, uu sii waday dedaalladii ay sameeyeen madaxdii isaga ka horreysay ee ku saabsanaa in beesha caalamka loo bandhigo doodaha sharci iyo taariikheed ee salka u ah madaxbannaanida Somaliland. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa kaloo uu tilmaamay in aqoonsi la’aantii…
Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, iyo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah. Wararka laga helayo ilo ku dhow madaxtooyada Hirshabelle ayaa tilmaamaya in khilaafkan uu salka ku hayo mashaariic maalmahan si weyn loo hadal hayay, kuwaas oo la sheegay in uu joojiyay musharraxa madaxweynaha Hir-Shabeelle, Cali Jeyte Cismaan. Sida xogta la helayo ay muujineyso, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku cadaadiyay ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed inuu “xoog iyo xeelad” ku qanciyo Cali Jeyte si loo xalliyo arrinta la xiriirta mashaariicdaasi. Hase yeeshee, Dabageed…
Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la filayaa in dhammaadka bishan March ay marti-geliso kulamo siyaasadeed oo looga tashanayo marxaladda kala-guurka ah ee siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Mid ka mid ah kulamada la qorsheynayo inuu ka dhaco Nairobi ayaa la sheegay inuu dhexmarayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo wafdi ka socda Golaha Mustaqbalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Warar hoose oo ay heshay Banaadir24 ayaa tilmaamaya in kulankan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira jihada siyaasadeed ee Madaxweyne Laftagareen iyo sida Golaha Mustaqbalka ay uga taageeri lahaayeen…
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka inay bixiyaan tabarucaad dhaqaale si loo xoojiyo gurmadka loogu gurmanayo dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalka. Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, taariikhdeeduna tahay 11-ka Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in dalka uu wajahayo xaalad abaareed oo saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada ku nool qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka. Wasaaraddu waxay sheegtay in abaartu ay si weyn u saameysay nolosha dadka, gaar ahaan dhinacyada helitaanka biyaha, cunno-yaraanta, nafaqo-darrada iyo xaaladaha…
Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ku toogatay shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulada ka jira dalka. Goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo sida wararku sheegayaan si khasab ah lagu soo bixiyay si ay u daawadaan fulinta dilka. Al-Shabaab ayaa ragga la toogtay ku eedeeyay inay ahaayeen jawaasiis ama sirdoon la shaqeynayay dowladaha iyo hay’adaha ay la dagaallamaan, isla markaana ay ka qeyb qaateen duqeymo iyo weerarro lagu qaaday kooxda. Ragga la…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Xasan ayaa lagu toogtay gudaha degmada Diinsoor, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Rag hubeysan oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilka ayaa goobta ka baxsaday, iyaga oo sidoo kale hore u sii qaatay qoriga nooca AK-47 ah ee uu watay askariga la dilay. Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaano la xiriira dilka. Si kastaba ha…
Ugu yaraan 102 qof ayaa ku dhintay daadad iyo dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay aagga Gaamo ee koonfurta dalka Itoobiya, sida ay sheegeen maamulka deegaankaasi. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in roobab xooggan oo muddo socday ay sababeen in dhul buuraley ah uu go’o, taas oo keentay khasaaro naf iyo maalba leh. Dadka ugu badan ee ku dhintay masiibadan ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen deegaanno buuraley ah xilligii ay roobabku da’ayeen. Sarkaal ka tirsan booliska deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in tobanaan qof oo kale weli la la’yahay, iyadoo la rumeysan yahay in ay ku…