DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Turkiga oo Maraakiib dagaal u soo diraya Biyaha Soomaaliya

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa shaaciyay in afar markab oo ka tirsan ciidamada badda ee Turkiga ay 16-ka Maarso ka ambabixi doonaan Bariga Badda Mediterranean-ka, iyagoo kusoo wajahan Soomaaliya.

Maraakiibta la qorsheeyay inay safarka soo bilaabaan ayaa kala ah TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş. Safarkooda ayaa qayb ka ah hawlgalka ay wadaan ciidamada badda ee loo yaqaan “Türkiye Somalia Naval Task Group”, oo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga dhinaca amniga badda ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Hawlgalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay mid lagu taageerayo dadaallada lagu sugayo amniga biyaha Soomaaliya iyo kor u qaadidda wada shaqeynta milatari ee labada dal.

Wararka ayaa sheegaya in horey ugu sugnaayeen xeebaha Soomaaliya ugu yaraan saddex markab oo dagaal iyo kuwo kale oo galbinaya markab ka shaqeynaya sahminta shidaalka. Taasi waxay ka dhigan tahay in Turkigu hadda biyaha Soomaaliya ku leeyahay in ka badan toban markab oo isugu jira kuwa dagaal iyo kuwo taageero.

Marka ay maraakiibtan cusub kusoo xirtaan dekedda Muqdisho, waxaa la filayaa inay sii aadaan dhanka Badda Cas, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan hawlgallada ilaalinta iyo sugidda amniga biyaha Soomaaliya. Arrintan ayaa qayb ka ah heshiiska iskaashi ee dhinaca badda ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Hawlgalka cusub ee maraakiibta Turkiga ayaa muujinaya sii xoogeysanaya xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo ilaalinta kheyraadka badda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *