Dil ka dhacay degmada Diinsoor & faah faahino kasoo baxaya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.
Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Xasan ayaa lagu toogtay gudaha degmada Diinsoor, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Rag hubeysan oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilka ayaa goobta ka baxsaday, iyaga oo sidoo kale hore u sii qaatay qoriga nooca AK-47 ah ee uu watay askariga la dilay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, halkaas oo ay ka bilaabeen baaritaano la xiriira dilka. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama soo qaban dadkii ka dambeeyay weerarka.
Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka askariga ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed ee lagu dilay degmada Diinsoor.
Maamulka iyo ciidamada amniga ayaa weli wada dadaallo lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay falkaasi.









