DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Dad badan oo ku dhintay daadad iyo dhul go’ ka dhacay Itoobiya

Ugu yaraan 102 qof ayaa ku dhintay daadad iyo dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay aagga Gaamo ee koonfurta dalka Itoobiya, sida ay sheegeen maamulka deegaankaasi.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in roobab xooggan oo muddo socday ay sababeen in dhul buuraley ah uu go’o, taas oo keentay khasaaro naf iyo maalba leh. Dadka ugu badan ee ku dhintay masiibadan ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen deegaanno buuraley ah xilligii ay roobabku da’ayeen.

Sarkaal ka tirsan booliska deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in tobanaan qof oo kale weli la la’yahay, iyadoo la rumeysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhulka go’ay ama ay daadadku qaadeen.

Kooxaha gurmadka degdegga ah iyo dadka deegaanka ayaa weli wada baadi-goobka dadka la la’yahay, iyagoo isku dayaya in ay soo badbaadiyaan cid kasta oo suurtagal ah.

Maamulka deegaanka ayaa ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi karto, maadaama ay weli socdaan howlaha raadinta iyo samatabbixinta dadka ku waxyeelloobay musiibadaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *