LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Buundada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo Duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka duntay, xilli la sheegay in uu marayay gaari nooca xamuulka qaada ah oo agab kala duwan u siday deegaankaasi.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in burburka buundada uu dhacay xilli gaariga xamuulka ah uu dul marayay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi.

Buundadan ayaa horey u burburisay kooxda Al-Shabaab kadib qaraxyo ay ka fuliyeen halkaasi, balse dib ayaa loo dhisay. Bishii December ee sanadkii 2025 ayay saraakiil ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga si rasmi ah xarigga uga jareen buundada kadib markii dib u dhis lagu sameeyay.

Maamulka deegaanka Sabiid iyo Caanoole ayaa ugu baaqay bulshada ku nool deegaanka iyo dadka safarka ah inay ka fogaadaan buundada duntay, si looga hortago dhibaatooyin kale oo ka dhalan kara burburka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay deegaanka gaaraan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaaladda buundada una bilaabaan qorshe dib loogu dhisayo mar kale.

Buundadan ayaa muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga ka dhexeeya deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana burburkeedu saameyn ku yeelan karaa isku socodka dadka iyo gaadiidka isticmaala waddadaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *