LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Cirro oo sheegay in Somaliland ay heleyso Aqoonsi Caalami ah

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay horay uga gudubtay marxaladii ku wajahnayd dhismaha dawladnimo iyo xaqiijinta nabadda, isaga oo tilmaamay in tallaabada xigta ay noqonayso helitaanka aqoonsi caalami ah.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu sidaas ku sheegay mar uu Hargeysa ugu warramay Wargeyska caalamiga ah ee Financial Times, wuxuunu caddeeyay in tan iyo markii la doortay sannadkii 2024, uu sii waday dedaalladii ay sameeyeen madaxdii isaga ka horreysay ee ku saabsanaa in beesha caalamka loo bandhigo doodaha sharci iyo taariikheed ee salka u ah madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa kaloo uu tilmaamay in aqoonsi la’aantii ay caqabad ku ahayd in Somaliland si buuxda uga faa’iidaysato suuqyada caalamiga ah, taas oo xaddidaysay fursadaha dhaqaale iyo iskaashiga ganacsi ee ay la yeelan lahayd dunida kale.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa tibaaxay in shacabka Somaliland ay si gaar ah u dhiseen nabaddooda, isaga oo sheegay in bulshada ay ku shireen dhir hoostood, si ay u gaaraan heshiisyo nabadeed, kadibna ay sameysteen dastuur iyo dawladnimada Somaliland oo ay madaxbannaanidooda la soo noqdeen 1991-kii.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay qabatay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo uu tilmaamay in doorashooyinkaasi ay ahaayeen qaar naadir ku ah qaaradda Afrika.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *