Ciidanka NISA oo weeraray Hotel kuyaalla Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Dagaal kooban ayaa ka dhacay Hotel Dayax oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaas oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) iyo ilaalada hotelka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in iska horimaadka uu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan sirdoonka ay isku dayeen inay hub ka qaadaan mid ka mid ah waardiyeyaasha hotelka. Sida ay sheegayaan ilo goob joogayaal ah, waardiyaha ayaa diiday inuu hubka wareejiyo, taasoo keentay in muranka uu isu beddelo rasaas la is dhaafsado.
Iska horimaadkaas ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah ilaalada hotelka oo lagu magacaabo Nuur Cabdi Raage, halka Cabdinaasur Ciise Juuraati uu ku dhaawacmay dagaalka.
Ilaa hadda ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ama maamulka Hotel Dayax oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay iska horimaadka, iyo sidoo kale tallaabooyinka laga qaadi doono dhacdada.
Xaaladda goobta uu dagaalku ka dhacay ayaa la sheegay inay haatan deggen tahay, inkastoo weli ay socdaan baaritaanno ku saabsan waxa sababay dhacdadan.









