Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Senator Aadan Cabdinaasir oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu eedeeyay Dowladda Federaalka in ay hurineyso colaadda ka taagan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, isaga oo sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay cunaqabateyn saartay shacabka ku nool dowlad-goboleedkaas. Senatorku wuxuu sheegay in tallaabooyinka dowladda ay sii hurinayaan xiisadda, isla markaana ay saameyn toos ah ku yeelanayaan shacabka rayidka ah. Wuxuu ku dooday in dowladda ay markii hore ku fashilantay dadaallo uu sheegay in wasiirro loo adeegsaday, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay ka shaqeynayay kicinta qabaa’ilka, kala furfuridda ciidamada iyo hurinta colaad dhex…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya kadib dhul-go’ sababay dhimasho oo ka dhacay Gobolka Gamo. Qoraal ay wasaaraddu soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaaray warbaahinta ayaa lagu muujiyey sida ay Somaliland uga xun tahay khasaaraha ka dhashay masiibadaas, iyadoo tacsi loo diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay. “Somaliland waxay tacsi u diraysaa shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya kaddib dhul-go’yadii dhimashada sababay ee ka dhacay Gobolka Gamo. Qalbiyadeenu waxay la jiraan qoysaska ay masiibadu saamaysay. Somaliland waxay garab taagan tahay Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Wasaaradda…
Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in madaxtooyada Villa Somalia ay go’aansatay inay qaaddo tallaabooyin siyaasadeed oo la xiriira khilaaf la sheegay inuu kala dhexeeyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed State, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la rumeysan yahay inay mucaarad ku yihiin Laftagareen ayaa lala wadaagay saddex amar oo la doonayo in si degdeg ah loo fuliyo, waxaana tallaabooyinka la sheegay in la qorsheeyey ka mid ah: Waxaa la sheegay in maamulka kastamka ee degmada Afgooye lagu wareejin doono dowladda federaalka, si loo xakameeyo ilo dhaqaale oo ay…
Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix iyo Tobankii Bishii February 2026, Waana Degmadda Afgooye ee Shabeellada Hoose. Sidoo kale dhacdadaasi waxaa u Geeryooday Aabaha Marxuumka Cabdullaahi Cabdi Muuse, ka dib markii ay gaartay warka Dhimashada wiilkiisii guri dambeyska ahaa. Dilka ayaa dhacay ka dib markii uu dhexmaray muran salka ku hayay dhaca Taleefanka Marxuumka oo xilligaa ka soo baxay Masjid uu ku oogay salaadii Duhur. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga aqbalay Seddexdii Bishaan March. Fadhiyo kala…
Wararka naga soo gaaraya degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo mucaaradsan maamulkaas. Dagaalkan ayaa yimid kadib xiisado maalmahan dambe laga dareemayay degmada, kuwaas oo u dhaxeeyay labada dhinac ee isku haya gacan ku haynta degmada Qansax-dheere. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay iska horimaadka. Warar aan si madaxbannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan mucaaradka maamulka Koonfur…
Ciidamadii maalintii shalay xiray afaafka hore ee magaalada Boosaaso ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay inay dib u furaan waddada muhiimka ah ee isku xirta Boosaaso iyo gobollada kale ee dalka, kaddib wadahadallo ay la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland. Mas’uuliyiinta oo gaaray goobta ay ciidamadu xirnaayeen ayaa la hadlay ciidamada gadoodsan, waxaana lagu guuleystay in xal laga gaaro xiisaddii taagnayd. Furitaanka waddada ayaa suurtageliyay in boqolaal gaadiid ah oo tan iyo shalay halkaas ku xanibnaa ay dib u bilaabaan safarkoodii. Xukuumadda Puntland ayaa saaka hore qorsheysay in waddada lagu furo awood ciidan haddii xal degdeg ah la waayo.…
Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa martigelisay bandhig ciidan oo lagu soo bandhigay hub, gaadiid dagaal iyo cutubyo ka tirsan ciidamo gaar ah, kuwaas oo la sheegay inay fuliyeen howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmada. Wararka laga helayo Buur-hakaba ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay sameeyeen howlgallo qorsheysan oo lagu sugayo ammaanka, iyadoo sidoo kale degmada ay gaareen saraakiil la sheegay inay hore uga tirsanaayeen ama ula dagaalamay maamulka Koonfur Galbeed. Dhanka kale, degmada Buur-hakaba ayaa la sheegay inay xoojisay difaacyadeeda, xilli maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)…
Qarax xooggan ayaa ka dhacay duleedka degmada Ceel Qaalow ee gobolka Mandheera, oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo Soomaali ah oo u shaqeynayay dowladda Kenya. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari lagu dilay qaraxa, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa taliyihii ciidamadan u qaabilsanaa deegaanka Elele, Xuseen Afaanboore, oo ka mid ahaa saraakiisha hoggaamineysay ciidanka. Qaraxa ayaa sidoo kale sababay in la gubo gaari nooca Kooyal ah oo ay wateen ciidamada, kaasi oo gebi ahaanba ku basbeelay…
Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland, ayaa xalay si rasmi ah u magacaabay laba guddi oo cusub kuwaas oo ka shaqayn doona arrimo muhiim u ah bulshada, gaar ahaan xaaladda maciishadda iyo kormeerka xabsiyada. Guddiga koowaad ayaa loo xil saaray in ay daraasad qoto dheer ku sameeyaan qiima kororka maciishadda iyo shidaalka, kuwaas oo muddooyinkii dambe saameyn ku yeeshay nolosha shacabka. Guddigan ayaa sidoo kale soo jeedin doona talooyin iyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu yareyn karo culayska dhaqaale ee soo wajahay bulshada ku nool Puntland. Guddiga labaad ayaa loo igmaday kormeerka xabsiyada kala duwan ee Puntland. Waxay guddigu…
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisu uusan ku lug yeelan doonin dagaalka u dhexeeya Israa’iil, Mareykanka iyo Iiraan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ankara ay doorbideyso xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe. Erdogan ayaa xusay in Turkigu uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dadaallada lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya colaadda, si loo helo xal nabadeed oo waara. Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Turkiga ay ka fogaaneyso tallaabo kasta oo keeni karta in xiisadda gobolka ay si toos ah u gaarto dalka Turkiga. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jireen…