LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Lafta Gareen oo la shiraya xubno katirsan Golaha Mustaabalka & doorashada oo…

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa la filayaa in dhammaadka bishan March ay marti-geliso kulamo siyaasadeed oo looga tashanayo marxaladda kala-guurka ah ee siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dowlad-goboleedyada.

Mid ka mid ah kulamada la qorsheynayo inuu ka dhaco Nairobi ayaa la sheegay inuu dhexmarayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo wafdi ka socda Golaha Mustaqbalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Warar hoose oo ay heshay Banaadir24 ayaa tilmaamaya in kulankan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira jihada siyaasadeed ee Madaxweyne Laftagareen iyo sida Golaha Mustaqbalka ay uga taageeri lahaayeen qorshe la xiriira qabashada doorasho dadban oo ka dhacda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo xiriir dhow la leh dalalka deriska ah iyo qaar ka mid ah beesha caalamka, ay kaalin ka qaadanayaan taageerada dhinaca xiriirka dibadda iyo fududeynta wada-hadallada siyaasadeed. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in taageero dhaqaale ay qayb ka tahay dadaallada socda.

Haddii ay dhacdo in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qabto doorasho aan la joojin ama la hakinin oo ay oggolaato Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa suurtagal ah in arrintaasi saameyn ku yeelato dowlad-goboleedyada kale, kuwaas oo iyaguna dalban kara inay qabtaan doorashooyinkooda si la mid ah.

Kulamadan la filayo inay ka dhacaan Nairobi ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha la xiriira nooca doorasho ee dalka ka dhici doona iyo wada-tashiyada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *