Ciidamo katirsan Puntland oo gadooday walaacna ku abuuray Madaxweyne Deni

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa xiray waddada muhiimka ah ee isku xirta gobollada dhexe iyo dekedda magaalada Boosaaso.
Ciidamadan ayaa xannibay waddada u dhexeysa kaantaroolka magaalada Boosaaso iyo ex-kaantaroolka, taasoo sababtay in gabi ahaanba hakad galo isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ganacsiga ee mari jiray jidkaas.
Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in tallaabada ay qaadeen ciidamadu ay la xiriirto cabashooyin ku saabsan mushaharro ay sheegeen in muddo aan la siin. Xiritaanka waddada ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama jidkani yahay mid muhiim u ah isku xirka Boosaaso iyo gobollada kale.
Dadka deegaanka iyo darawallada gaadiidka ayaa sheegay in ay wajahayaan dhibaatooyin ka dhashay xiritaanka waddada, iyadoo gaadiid badan ay ku xayiran yihiin halkaas.
Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in xaaladdan ay walaac amni ku abuurtay maamulka Puntland, gaar ahaan Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Puntland oo ku saabsan sida loo xallinayo cabashada ciidamadan iyo furitaanka waddada.









