LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Al-Shabaab Oo 5 Qof Ku Toogatay Goob Fagaaro ah & Magacyadooda

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ku toogatay shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulada ka jira dalka.

Goobta ay toogashadu ka dhacday ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo sida wararku sheegayaan si khasab ah lagu soo bixiyay si ay u daawadaan fulinta dilka.

Al-Shabaab ayaa ragga la toogtay ku eedeeyay inay ahaayeen jawaasiis ama sirdoon la shaqeynayay dowladaha iyo hay’adaha ay la dagaallamaan, isla markaana ay ka qeyb qaateen duqeymo iyo weerarro lagu qaaday kooxda.

Ragga la toogtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:

Aadan Cabdi Heelow, 43 sano jir

Axmed Nuur Cabdiraxmaan Shire, 23 sano jir

Cali Aadan Nuur Cali, 53 sano jir

Faarax Xuseen Abiikar Gacameey, 32 sano jir

Sheekheey Geedow Aadan, oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo 25 sano jir ah

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo todobaadkii hore Al-Shabaab ay fagaaro kale ku toogteen ilaa 11 ruux oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen sirdoonada Mareykanka, dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dhacdooyinkan dilalka ah ee ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *