Qeylo-dhaan xoogan oo kasoo yeertay Dowladda Soomaaliya

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka inay bixiyaan tabarucaad dhaqaale si loo xoojiyo gurmadka loogu gurmanayo dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalka.
Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, taariikhdeeduna tahay 11-ka Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in dalka uu wajahayo xaalad abaareed oo saameyn ballaaran ku yeelatay bulshada ku nool qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in abaartu ay si weyn u saameysay nolosha dadka, gaar ahaan dhinacyada helitaanka biyaha, cunno-yaraanta, nafaqo-darrada iyo xaaladaha nololeed ee bulshada nugul, taasoo keentay in loo baahdo gurmad degdeg ah.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) oo ah hay’adda dowladda u qaabilsan ka hortagga iyo maareynta musiibooyinka ayaa la sheegay inay hoggaaminayso dadaallada gurmadka, iyadoo wada qorsheyaal lagu gaarsiinayo gargaar dadka ay abaartu saameysay.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidaas darteed ku boorrisay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka inay si degdeg ah uga qeyb qaataan sanduuqa qaran ee gurmadka musiibooyinka, si loo xoojiyo dadaallada dowladda ee lagu caawinayo dadka tabaaleysan.
Qoraalka ayaa ugu dambeyn lagu xusay in iskaashiga hay’adaha dowladda uu muhiim u yahay dardar-gelinta gurmadka iyo badbaadinta nolosha shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.










