LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Khilaaf Xooggan oo Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo Ku-xigeenkiisa

Khilaaf siyaasadeed oo xooggan ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen, iyo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah.

Wararka laga helayo ilo ku dhow madaxtooyada Hirshabelle ayaa tilmaamaya in khilaafkan uu salka ku hayo mashaariic maalmahan si weyn loo hadal hayay, kuwaas oo la sheegay in uu joojiyay musharraxa madaxweynaha Hir-Shabeelle, Cali Jeyte Cismaan.

Sida xogta la helayo ay muujineyso, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku cadaadiyay ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed inuu “xoog iyo xeelad” ku qanciyo Cali Jeyte si loo xalliyo arrinta la xiriirta mashaariicdaasi. Hase yeeshee, Dabageed ayaa ku guuldareystay dhowr isku day oo uu sameeyay si uu u dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii Cali Guudlaawe lagu soo waramay inuu ku hanjabay in haddii xal degdeg ah la waayo uu magacaabi doono guddoomiye cusub oo gobolka Hiiraan ah si arrintaasi loo maareeyo.

Tallaabadaas ayaa la sheegay in Yuusuf Dabageed uu u arkay mid ka badbadin iyo faragelin toos ah oo lagu sameynayo maamulka gobolka Hiiraan, taasoo sababtay caro xooggan oo sii kordhisay khilaafka ka dhex taagan labada mas’uul.

Illaa iyo hadda ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Hirshabelle ama xafiiska madaxweyne ku-xigeenka oo ku saabsan khilaafkan, balse xaaladda ayaa lagu tilmaamay mid sii kacsanaysa, iyadoo indhaha siyaasadda gobolka ay si gaar ah ugu jeedaan sida ay arrimahan u saameyn karaan mustaqbalka maamulka Hirshabelle.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *