Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay kansashay dhowr duulimaad oo ku socday magaalada Baydhabo, kuwaas oo qorshuhu ahaa inay ka soo duulaan magaalooyinka Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo Nairobi ee dalka Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in uu soo raaco Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Ilo ku dhow dhow Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in duulimaadyadaasi la hakiyay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankaas. Wararka ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay si weyn uga soo horjeedo safar uu Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),…
Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa Ugaas Xasan Cabdi Maxamed u magacaabay Afhayeenka maamulka Koonfur-Galbeed. Ugaas Xasan ayaa horey laba jeer u soo noqday Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi. Magacaabistan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur-Galbeed. Warar laga helayo Madaxtooyada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu aaminsan yahay in Afhayeenka cusub uu door muhiim ah ka qaadan karo dhinaca warbaahinta, gaar ahaan xaaladda siyaasadeed ee taagan. Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa lagu tilmaamaa siyaasi khibrad u leh warbaahinta iyo arrimaha siyaasadda, isagoo sidoo kale hore uga soo shaqeeyay hoggaaminta Wasaaradda…
Saldhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Prince Sultan Air Base (PSAB) ee ku yaal Al-Kharj, oo u dhow caasimadda Riyadh, ayaa waxaa ak dhacay weerarro isdaba joog ah oo gantaallo iyo kuwa aan duuliyaha lahayn oo ka yimid Iran. Saldhiggan ayaa waxaa ku sugan diyaarado badan oo laga leeyahay dalka Mareykanka, iyadoo wasaaradda difaaca Sacuudiga ay sheegtay inay ka hortagtay ugu yaraan 10 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaasi oo ku sugnaa gobolka Riyaad iyo gobolka Bari. Wakaaladda wararka ee Iran ee Fars ayaa sheegtay in ay gantaallada salvo ah ku gantay saldhiga.
Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran wadanka Hindiya, dhanka kalana qeybgalay dhageysiga fadhiga koowaad ee Maxkamadeyntooda. Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odawaa oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogey magaaladda Mumbai ee gobolka Maharashra ee Hindiya, ayaa xabsiga ku booqday 44 muwdiin Soomaaliyeed ah oo Ciidanka Ilaalada badda Hindiya ka qabteen badweynta Hindiya. Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo muddo badan maxkamad sugayaal ahaa ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS waxaa lagu guuleystay in loo fariisto fadhiga koowaad ee Maxkamadda oo uu goobjoog ka ahaa Safiirka…
Xaalad kacsanaan ah oo sii xoogaysanaysa ayaa maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayaa deegaannada bariga gobolka Mudug, halkaas oo ay isku horfadhiyaan laba maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaanka. Sida ay muujinayaan xogaha laga helayo dadka deegaanka, waxaa jira dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay samaynayaan reer miyi kasoo kala jeeda dhinacyada maamullada Galmudug iyo Puntland. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa la sheegay in ay sare u qaadeen walaaca laga qabo isku dhac ka dhaca aaggaas. Wararka ayaa tilmaamaya in xiisaddan ay salka ku hayso muran la xiriira deegaamaysi iyo ceelal biyood oo laga qodayo deegaanka, iyadoo la sheegay in labada dhinac ay…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), uu qorsheynayo in diyaarad si toos ah uga timaadda magaalada Nairobi ay ku dejiso magaalada Baydhabo marka uu kasoo laabto Cumrada 18-ka bishan. Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa tilmaamaya in safarka Madaxweynaha uu ku wajahan yahay inuu si toos ah ugu laabto Baydhabo, si uu halkaas uga sii wato hawlaha shaqo ee maamulka. Si kastaba ha ahaatee, wararka la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso in diyaaradda lagu dejiyo magaalada Muqdisho. Ilo kala duwan ayaa sheegaya…
Wararka kasoo baxaya ilo u dooda xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta qaarkood ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xireen TikToker u dhashay dalka Suuriya oo lagu magacaabo Abdullah Al-Hamwi, xilli uu u safrayay Boqortooyada Sacuudi Carabiya si uu u soo guto waajibaadka Cumrada. Sida wararku tilmaamayaan, xariggan ayaa dhacay qiyaastii saddex bilood ka hor, balse faahfaahin rasmi ah oo ka timid mas’uuliyiinta Sacuudiga weli si cad looma shaacin. Dhanka kale, nin lagu magacaabo Axmed Gharib ayaa sheegay in walaalkiis, Shaheen Gharib Shucayb oo ah muwaadin u dhashay dalka Masar, ay sidoo kale xireen mas’uuliyiinta Sacuudiga 3-dii Maarso. Axmed Gharib ayaa xusay…
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka degmada Maxaas, iyagoo u muuqda inay qorsheynayaan howlgallo ay kula wareegayaan degmadaasi. Saraakiil ka tirsan Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ujeedka ugu weyn ee dhaqdhaqaaqyadaasi uu yahay sidii kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Maxaas, isla markaana loo burburin lahaa dhufeysyada ay ku leeyihiin deegaannada ku xeeran. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si weyn looga dareemayay aagga Maxaas dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo isugu jira diyaargarow iyo dhaqdhaqaaqyo istiraatiiji ah. Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin goorta rasmiga ah…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in loo yeeray saraakiil ka tirsan ciidamada amniga ee ka howlgala magaalada Baydhabo, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay guriga wasiir Xasan Eelay. Saraakiisha la sheegay in loo yeeray waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay Aamin Mad Daruur, Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo Dugudow, Taliyaha Guutada 8-aad Cali Adow, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Baay Shaahiyow, kuwaas oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in saraakiishan oo ka tirsan garabka taageersan Madaxweynaha Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftegareen) looga yeeray inay ka jawaabaan…
Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Axmed Cali Ciise (Dulyar) oo ka mid ahaa dhallinyarada cusub ee ku biiray ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo dhawaan magaalada loo keenay si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga. Saraakiisha Booliiska Puntland ayaa xaqiijiyay in dhacdadaas loo xiray askari kale oo ka tirsan ciidanka, kaas oo lagu eedeeyay inuu toogtay marxuumka. Ilo ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in baaritaan lagu wado sababta ka dambeysay falka dilka ah, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo marka uu soo dhammaado baaritaanka. Axmed Kheyr ayaa ka…