Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Maamulka Koonfur Galbeed (KGs) ayaa Caawa Ciidamo tiro badan ku daadiyay xaafadaha Towfiiq iyo Suuqa Xoolaha ee magaalada Baydhaba, kuwaas oo xalay laga maqlay jugo iyo is-rasaaseyn sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka. Wararka laga helayo goobahaasi ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay si weyn u adkeeyeen amniga guud ee magaalada, iyagoo sameynaya howlgallo iyo baaritaanno ka socda xaafadaha ay dhacdooyinku ka dhaceen. Ciidamada oo wata tikniko fara badan ayaa la sheegay inay baarayaan guryaha iyo goobaha qaar, iyadoo la baadi-goobayo maleeshiyaad la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin ciidamo mucaarad ku ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan…
Ciidamo katirsan Saldhiga Booliska Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa gCaawa xiray Saddex Dhalinyaro ah oo dhawaan Shir jaraa’id oo ay qabteen ku dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo sheegay inay dhibaato ku heyso Dhalinyarada Muqdisho loona baahan yahay in leyska qabto. Saddexda Dhalinyarada ah oo lagu kala Magacaabo Axmed Bulshaawi, Abuukar Boss iyo Najiib Cali Cosoble, kuwaas oo lagu xiray Saldhiga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Xubno katirsan Golaha Mustaqbalka oo kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Aadan Koofi ayaa cambaareeyay xarig Caawa Muqdisho loogu geystay Dhalinyaro dhawaan dhaliishay hab-dhaqanka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos…
Ciidamada Sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Daaci Bilan oo ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in Daaci Bilan laga qabtay Madaarka Hargeysa xilli ay Hargeyso kusoo laabatay, kadibna loo gudbiyay xabsiga magaalada. Xarigeeda ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay amar uu bixiyay Mustafe Neyjeeri oo ah ku-xigeenka Sirdoonka Somaliland. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in sababaha loo xiray Daaci Bilan ay la xiriiraan in ay magaalada Muqdisho uga qeyb gashay doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay qabatay dowladda Soomaaliya.…
Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa ku amartay dhammaan Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed in aysan bixi karin ilaa ammar dambe. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo la ogeysiisay maareeykaha garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa lagu sheegay in ujeedadu tahay in la sugo amniga guud ee degaannada Koonfur Galbeed,waxaama amarkan uu daba socdaa kadib markii ay Dowladda u yeertay Saraakiisha Ciidamada ee ka howlgalla Koonfur Galbeed. Hoos Ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed
Qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka jawaabin u yeerid ay dhowaan u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu amray inay si degdeg ah ugu soo xaadiraan magaalada Muqdisho. Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in inta badan taliyayaasha la faray inay yimaadaan Muqdisho ay weli ku sugan yihiin magaalada Baydhabo, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u dhaca ku yimid imaanshahooda. Taliyayaasha weli ku sugan Baydhabo waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Amiin Mad Daruur, Taliyaha Saldhigga Booliiska Baydhabo Muqtaar Ibraahim Dugudoow, iyo Taliyaha NISA…
Sagaal Xildhibaan oo Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo la dhaarinayo
Waxaa lagu wadaa in magaalada Arusha ee dalka Tanzania lagu dhaariyo sagaal xildhibaan oo Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Munaasabadda dhaarinta oo ka dhici doonta xarunta Baarlamaanka EAC ayaa la filayaa in ay goobjoog ka noqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo u tagaya si ay uga qeyb galaan xafladda dhaarinta xildhibaannada cusub. Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda ayaa waxaa kamid ah Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, iyo wakiillo kale oo ka socda dowladda. Sagaalka xildhibaan ee Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ayaa la filayaa…
Magaalada barakeysan ee Makka ayaa laga soo sheegay in xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Hawiye oo halkaas ku sugan ay wicitaan telefoon u direen Madaxweynaha Somalia, iyagoo doonayay inay kala hadlaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka South West State of Somalia, Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud uu uga jawaabay wicitaankaas in uusan arrintaas kala hadli karin cid aan ahayn Taliyaha Ciidanka Asluubta, isagoo muujiyay in wada-hadalka ku saabsan khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Laftagareen uu ku koobanyahay masuuliyiin gaar ah oo arrintaas si toos…
Maleeshiyo ka tirsan ururka Al‑Shabaab ayaa markale toogasho fagaare ah ku dishay shan ruux oo rayid ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ahaayeen sirdoon la shaqeynayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo maamul-goboleedyada dalka. Toogashada ayaa ka dhacday goob fagaare ah oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo boqolaal qof oo shacab ah lagu amray inay isugu yimaadaan si ay u daawadaan dilka. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dhammaan dadka la toogtay ay ahaayeen rag, kuwaas oo Al-Shabaab ku eedeeysay inay u shaqeynayeen sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo maamul-goboleedyada ka jira dalka. Magacyada dadka…
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa tiro hoobiyeyaal laga maqlay qeybo kamid ah caasimadda, kuwaas oo la sheegay inay ku dhaceen meelo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde. Sida ay sheegayaan ilo amni, qaar kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka Waran ee ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), balse ay maamulaan ciidamada Mareykanka ee taageerada siiya howlaha amniga. Ilaa iyo hadda lama oga goobta saxda ah ee laga soo tuuray hoobiyeyaasha, hase yeeshee laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobo lagu tuhunsan yahay in laga soo tuuray, gaar ahaan xaafado ka tirsan…
Alle ha u naxariistee Nabadoon Cali Xuseen Jimcaale ( Wosh) oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ka ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa Caawa waxaa lagu dilay Gudaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Sida ay sheegayaan wararka la helayo, rag hubeysan ayaa nabadoonka toogtay xilli uu ka soo baxayay masjid ku yaalla agagaarka Garaashka Muuse Suudi ee degmada Wadajir. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dableyda weerarka fulisay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta dilku ka dhacay. Nabadoon Cali Wosh ayaa dhaawac culus kasoo gaaray rasaasta lagu furay, waxaana markiiba loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho si loogu sameeyo gurmad…