Maamulka Koonfur Galbeed oo yeeshay Afhayeen Cusub, xilli ay is khilaafeen DFS

Maamulka Koonfur-Galbeed ayaa Ugaas Xasan Cabdi Maxamed u magacaabay Afhayeenka maamulka Koonfur-Galbeed. Ugaas Xasan ayaa horey laba jeer u soo noqday Wasiirka Warfaafinta ee maamulkaasi.
Magacaabistan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur-Galbeed.
Warar laga helayo Madaxtooyada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu aaminsan yahay in Afhayeenka cusub uu door muhiim ah ka qaadan karo dhinaca warbaahinta, gaar ahaan xaaladda siyaasadeed ee taagan.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa lagu tilmaamaa siyaasi khibrad u leh warbaahinta iyo arrimaha siyaasadda, isagoo sidoo kale hore uga soo shaqeeyay hoggaaminta Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Koonfur-Galbeed.
Waxaa intaas dheer in lagu xuso inuu si wanaagsan u yaqaan luuqadda Itoobiyaanka, taas oo la aaminsan yahay inay ka caawin karto maamulka la macaamilka ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannada Koonfur-Galbeed.









