Sawirro:- Soomaali loo heysto Burcad-badeednimo oo Maxkamad la soo taagay

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran wadanka Hindiya, dhanka kalana qeybgalay dhageysiga fadhiga koowaad ee Maxkamadeyntooda.
Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odawaa oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogey magaaladda Mumbai ee gobolka Maharashra ee Hindiya, ayaa xabsiga ku booqday 44 muwdiin Soomaaliyeed ah oo Ciidanka Ilaalada badda Hindiya ka qabteen badweynta Hindiya.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo muddo badan maxkamad sugayaal ahaa ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS waxaa lagu guuleystay in loo fariisto fadhiga koowaad ee Maxkamadda oo uu goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Danjire Cabdullaahi Maxamed Odawaa, waxaana qeybta labaad lagu balamay in la dedejiyo waxaana uu safiirku reja weyn ka muujiyay in muwaadiniintaas ay dib u helayaan xorriyadooda.
Dalal kale oo kamid ah Caalamka ayaa waxaa sidoo kale ku xiran muwaadiniin Soomaaliyeed oo kale, kuwaas oo loo heysto dambiyo kala duwan, waxaana Soomaalida ugu badan ay ku xiran tahay dalka Libiya, halkaas oo lagu qabtay, iyaga oo tahriibayaal ahaa.










