Ciidamada Dowladda oo hareereeyay Maxaas iyo Al-Shabaab oo..

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan duleedka degmada Maxaas, iyagoo u muuqda inay qorsheynayaan howlgallo ay kula wareegayaan degmadaasi.
Saraakiil ka tirsan Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ujeedka ugu weyn ee dhaqdhaqaaqyadaasi uu yahay sidii kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Maxaas, isla markaana loo burburin lahaa dhufeysyada ay ku leeyihiin deegaannada ku xeeran.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si weyn looga dareemayay aagga Maxaas dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo isugu jira diyaargarow iyo dhaqdhaqaaqyo istiraatiiji ah. Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin goorta rasmiga ah ee uu bilaaban doono howlgalka lagu doonayo in lagu xoreeyo magaalada.
Magaalada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa horey uga mid ahayd deegaannada ay ka dhaceen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay marar kala duwan ka sameeyeen howlgallo lagu sugayo amniga.









