Author: Banaadir24 Editor

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni ee degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad hubeysan oo mucaaradsan maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee ka jira degmadaasi aysan ahayn ciidamo rasmi ah, balse ay yihiin maleeshiyaad xiriir la leh kooxda Al-Shabaab. “Kooxahan ma aha ciidamo dowladeed, waa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay carqaladeeyaan amniga,” ayuu yiri wasiirku. Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkan ay wadaan falal qalqal gelin ah oo si toos ah u saameynaya amniga iyo…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hakisay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib markii uu sii xoogaystay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed. Wararka laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in ilaa saaka aysan jirin wax duulimaad ah oo gaaray Baydhabo, iyadoo hakintaasi ay timid amar kasoo baxay dowladda. Diyaaradaha kaliya ee loo oggol yahay inay tagaan magaalada ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin kuwa Qaramada Midoobay iyo diyaaradaha xamuulka qaada. Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray heer sare, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu…

Read More

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60aad, ay ku dhawaaqeen inay si rasmi ah u garab taagan yihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Ciidamadan oo la sheegay inay gaarayaan boqolaal askari ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub noocyo kala duwan leh. Taliyahooda ayaa la sheegay inuu dhowaan qaatay amar ka yimid dowladda federaalka, kadibna u safray magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka oo la hadlay warbaahinta ayaa si cad u sheegay inay la safan yihiin maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga…

Read More

Markab samatabbixin ah oo lagu magacaabo Aita Mari kana diiwaangashan dalka Spain ayaa badbaadiyay ugu yaraan 32 muhaajiriin ah oo ku sugnaa xaalad halis ah oo ka jirtay Badda Mediterranean. Dadka la badbaadiyay ayaa isugu jiray 27 rag ah iyo 5 dumar ah, kuwaas oo ka kala yimid dalal Afrikaan ah oo ay ku jiraan Somalia, Cameroon, Eritrea, Mali, Burkina Faso, Nigeria, Ghana iyo Côte d’Ivoire. Muhaajiriintan waxaa ka mid ahaa haweeney uur leh oo siddeed bilood ah iyo sagaal carruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 2 ilaa 15 sano, kuwaas oo la kulmay xaalad aad u halis badan oo…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay joojiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka dambeyso falal amni darro oo ka dhacay deegaanadooda. Afhayeenka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii ay arkeen, sida uu hadalka u dhigay, “faragelin siyaasadeed iyo falal lagu carqaladeynayo xasilloonida” deegaannada maamulkaas. Afhayeenka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay ka shaqeyneysay qorshayaal la xiriira kala qeybinta dalka iyo hurinta xasarado hubeysan, kuwaas oo si toos ah u saameeyay ammaanka iyo deganaanshaha…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo laabto caasimadda Muqdisho, kaddib safar uu ugu maqnaa gudashada waajibaadka cimrada. Wararka laga helayo xubno ka tirsan xildhibaano iyo siyaasiyiin la socday guddoomiyaha ayaa xaqiijinaya in uu marka hore kasoo degi doono Muqdisho, islamarkaana uu halkaas uga sii gudbi doono magaalada Baydhabo. Ujeedada safarkiisa ayaa lagu sheegay dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. Khilaafkan ayaa maalmahan dambe sii kordhayay, iyadoo ay jiraan arrimo siyaasadeed iyo is-afgaranwaa dhinacyo badan…

Read More

Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa saakay aroortii hore weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ceel Cali Mire oo ku yaalla duleedka degmada Buulacle, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in weerarkaasi uu ahaa mid si gaar ah loo abaabulay, kadib markii ciidamada ay heleen xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaankaasi. Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in intii uu socday dagaalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama xaaladda goobta ay…

Read More

Warar is khilaafsan ayaa weli ka soo baxaya halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kadib safar uu dhawaan ugu maqnaa gudashada cimrada ee magaalada Makka. Jahwareerkan ayaa yimid xilli ay soo baxeen warar sheegaya inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Laftagareen iyo madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Villa Somalia. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in madaxtooyadu ay dooneyso in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu marka hore soo maro Muqdisho, halkii uu si toos ah uga degi lahaa magaalada Baydhabo. Wararka ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in Laftagareen uu ku sugan…

Read More

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, halka afar kalena laga soo badbaadiyay ka dib markii uu dumay dhismo ku yaalla xaafadda Blue Estate ee degmada Shauri Moyo ee magaalada Nairobi, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta. Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa weli wada howlaha samatabbixinta, iyaga oo baadi-goob ugu jira dad kale oo la rumeysan yahay in ay ku xaniban yihiin burburka dhismaha hoostiisa. Goobta ay wax ka dhaceen ayaa si adag loo ilaaliyay, iyadoo la adeegsanaayo qalab culus iyo shaqaale badan si loo dedejiyo badbaadinta. Dhismahan dumay ayaa ku yaallay meel u dhow marinka Wabiga Nairobi, waxaana la sheegay in…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa dadaallo deg-deg ah ku bixinaya sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay habraaca doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii uu sii xoogeystay muranka u dhexeeya dowladda federaalka iyo madaxda maamulkaas. Warar laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ilaa xalay waday kulamo iyo xiriirro siyaasadeed oo uu ku doonayo in lagu qanciyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen, inuu dib uga fiirsado qorshaha uu ku aadayo doorashooyin uu maamulkaasi si madax-bannaan u maamulo. Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsaday…

Read More