Askari katirsan Ciidamada Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Axmed Cali Ciise (Dulyar) oo ka mid ahaa dhallinyarada cusub ee ku biiray ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo dhawaan magaalada loo keenay si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga.
Saraakiisha Booliiska Puntland ayaa xaqiijiyay in dhacdadaas loo xiray askari kale oo ka tirsan ciidanka, kaas oo lagu eedeeyay inuu toogtay marxuumka.
Ilo ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in baaritaan lagu wado sababta ka dambeysay falka dilka ah, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah laga bixiyo marka uu soo dhammaado baaritaanka.
Axmed Kheyr ayaa ka mid ahaa askarta cusub ee dhawaan lagu soo kordhiyay ciidamada Booliiska Puntland ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo, si ay u xoojiyaan amniga iyo kala dambeynta magaalada.
Maamulka Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin faahfaahinta buuxda ee dhacdada, balse booliisku waxay sheegeen in askariga la xiray uu ku jiro gacanta hay’adaha ammaanka, isla markaana sharciga la horgeyn doono.
Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan dadaallo lagu xoojinayo ammaanka, iyadoo ciidamada ammaanku ay kordhiyeen howlgalada lagu sugayo nabad-gelyada.









