LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo joojisay diyaarado ku socday Baydhabo, xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay kansashay dhowr duulimaad oo ku socday magaalada Baydhabo, kuwaas oo qorshuhu ahaa inay ka soo duulaan magaalooyinka Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo Nairobi ee dalka Kenya, iyada oo laga cabsi qabo in uu soo raaco Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Ilo ku dhow dhow Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in duulimaadyadaasi la hakiyay, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankaas.

Wararka ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay si weyn uga soo horjeedo safar uu Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), la qorsheynayay inuu ku gaaro magaalada Baydhabo.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo maalmihii u dambeeyay soo xoogeysanayay.

Ilaa hadda lama oga sida ay uga falcelin doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed xayiraadda lagu soo rogay diyaaradaha ku socday magaalada Baydhabo, waxaana la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay ka hadlaan arrintan.

Dhacdadan ayaa imanaysa xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *