LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Saraakiisha ugu sareysa Koonfur Galbeed

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in loo yeeray saraakiil ka tirsan ciidamada amniga ee ka howlgala magaalada Baydhabo, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dagaalkii ka dhacay guriga wasiir Xasan Eelay.

Saraakiisha la sheegay in loo yeeray waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay Aamin Mad Daruur, Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo Dugudow, Taliyaha Guutada 8-aad Cali Adow, iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Baay Shaahiyow, kuwaas oo ay wehliyaan saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in saraakiishan oo ka tirsan garabka taageersan Madaxweynaha Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftegareen) looga yeeray inay ka jawaabaan dhacdadii weerarka lagu qaaday guriga wasiirka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in cadaadis siyaasadeed iyo mid amni uu soo wajahay hoggaanka ciidamada Koonfur Galbeed, iyadoo weli aan la ogeyn tallaabada ay qaadi karto dowladda Federaalka haddii saraakiishu ka horyimaadaan amarka loo diray.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *