LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan degaano ka tirsan gobolka Mudug

Xaalad kacsanaan ah oo sii xoogaysanaysa ayaa maalmihii u dambeeyay laga soo sheegayaa deegaannada bariga gobolka Mudug, halkaas oo ay isku horfadhiyaan laba maleeshiyo beeleed oo wada dega deegaanka.

Sida ay muujinayaan xogaha laga helayo dadka deegaanka, waxaa jira dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay samaynayaan reer miyi kasoo kala jeeda dhinacyada maamullada Galmudug iyo Puntland. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa la sheegay in ay sare u qaadeen walaaca laga qabo isku dhac ka dhaca aaggaas.

Wararka ayaa tilmaamaya in xiisaddan ay salka ku hayso muran la xiriira deegaamaysi iyo ceelal biyood oo laga qodayo deegaanka, iyadoo la sheegay in labada dhinac ay wadaan hub urursi.

Dhanka kale, maamullada Puntland iyo Galmudug ee gobolka, iyo sidoo kale guddiyo nabadeed oo arrintan la socda, ayaa wada dadaallo lagu doonayo in xiisadda la dejiyo, isla markaana laga hortago isku dhac ka dhaca deegaanka.

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ku sugan aagga xiisaddu ka jirto ayaa sidoo kale ku baaqay in la qaboojiyo xaaladda, lagana shaqeeyo nabad iyo wada hadal si looga fogaado dagaal sababi kara khasaare soo gaara dadka iyo duunyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *