Dowladda Soomaaliya oo wada qorsho Baydhabo uga hor-istaageyso Madaxweyne Laftagareen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), uu qorsheynayo in diyaarad si toos ah uga timaadda magaalada Nairobi ay ku dejiso magaalada Baydhabo marka uu kasoo laabto Cumrada 18-ka bishan.
Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa tilmaamaya in safarka Madaxweynaha uu ku wajahan yahay inuu si toos ah ugu laabto Baydhabo, si uu halkaas uga sii wato hawlaha shaqo ee maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, wararka la helayo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso in diyaaradda lagu dejiyo magaalada Muqdisho. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in haddii diyaaradda lagu dejiyo Muqdisho ay dhici karto in la sameeyo hakad ama xayiraad la xiriirta safarka Madaxweynaha.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan arrintan, balse xaaladda ayaa abuurtay hadal-hayn siyaasadeed oo la xiriirta halka uu ku degi doono Madaxweynaha marka uu dalka kusoo laabto.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan safarka Madaxweynaha iyo halka ugu dambeyn ay ku degi doonto diyaaraddiisa.









