DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Sacuudiga oo xiray Tiktokley cumreysanayay

Wararka kasoo baxaya ilo u dooda xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta qaarkood ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay xireen TikToker u dhashay dalka Suuriya oo lagu magacaabo Abdullah Al-Hamwi, xilli uu u safrayay Boqortooyada Sacuudi Carabiya si uu u soo guto waajibaadka Cumrada. Sida wararku tilmaamayaan, xariggan ayaa dhacay qiyaastii saddex bilood ka hor, balse faahfaahin rasmi ah oo ka timid mas’uuliyiinta Sacuudiga weli si cad looma shaacin.

Dhanka kale, nin lagu magacaabo Axmed Gharib ayaa sheegay in walaalkiis, Shaheen Gharib Shucayb oo ah muwaadin u dhashay dalka Masar, ay sidoo kale xireen mas’uuliyiinta Sacuudiga 3-dii Maarso. Axmed Gharib ayaa xusay in tan iyo markii la xiray walaalkiis uu gebi ahaanba go’ay xiriirkii ay la lahaayeen, isla markaana aysan helin wax xog ah oo ku saabsan xaaladdiisa.

Arrintan ayaa dhalisay walaac ay muujiyeen ururrada u dooda xuquuqda aadanaha. Hay’adda SANAD ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa si gaar ah uga hadashay wararkan, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda dadka la xiray, islamarkaana cambaareysay tallaabada la sheegay in lagu xiray.

Hay’addu waxay ugu baaqday mas’uuliyiinta Sacuudiga inay bixiyaan faahfaahin ku saabsan xaaladda dadka la xiray, ayna hubiyaan in la ilaaliyo xuquuqdooda sharciga ah, iyadoo sidoo kale codsatay in qoysaskooda lala wadaago xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin iyo xaaladdooda caafimaad.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Sacuudiga oo ku saabsan eedeymaha iyo sababta keentay xarigga la sheegay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *