Nabaddoon Caan ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee Nabadoon Cali Xuseen Jimcaale ( Wosh) oo ka mid ahaa nabadoonada caanka ka ah degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa Caawa waxaa lagu dilay Gudaha degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo, rag hubeysan ayaa nabadoonka toogtay xilli uu ka soo baxayay masjid ku yaalla agagaarka Garaashka Muuse Suudi ee degmada Wadajir. Goob-joogayaal ayaa sheegay in dableyda weerarka fulisay ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta dilku ka dhacay.
Nabadoon Cali Wosh ayaa dhaawac culus kasoo gaaray rasaasta lagu furay, waxaana markiiba loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho si loogu sameeyo gurmad caafimaad, hayeeshee mar dambe ayaa xaqiijiyay in Nabadoonka uu ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalka, kaddib dhaawacyadii halista ahaa ee soo gaaray.
Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa dilka Nabadoon Cali Wosh, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aaddan dhacdadan. Dilka ayaa qeyb ka noqonaya falal amni darro oo mararka qaar ka dhaca qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.









