Ciidamo xoogan oo Caawa lagu daadiyay Xaafadaha Baydhabo iyo howlgallo ka socda

Maamulka Koonfur Galbeed (KGs) ayaa Caawa Ciidamo tiro badan ku daadiyay xaafadaha Towfiiq iyo Suuqa Xoolaha ee magaalada Baydhaba, kuwaas oo xalay laga maqlay jugo iyo is-rasaaseyn sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.
Wararka laga helayo goobahaasi ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay si weyn u adkeeyeen amniga guud ee magaalada, iyagoo sameynaya howlgallo iyo baaritaanno ka socda xaafadaha ay dhacdooyinku ka dhaceen.
Ciidamada oo wata tikniko fara badan ayaa la sheegay inay baarayaan guryaha iyo goobaha qaar, iyadoo la baadi-goobayo maleeshiyaad la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin ciidamo mucaarad ku ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Dadka deegaanka ayaa sheegay in habeenkii xalay ay maqleen jugo iyo rasaas goos-goos ah, taasoo cabsi ku abuurtay shacabka ku nool xaafadaha Towfiiq iyo Suuqa Xoolaha.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta magaalada Baydhaba ayaa sheegay in inkastoo rasaas la maqlay, haddana aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdadii xalay.
Xaaladda guud ee magaalada Baydhaba ayaa maanta degan, iyadoo ciidamada ammaanka ay weli wadaan howlgallada baaritaanka ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada.









