DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sagaal Xildhibaan oo Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo la dhaarinayo

Waxaa lagu wadaa in magaalada Arusha ee dalka Tanzania lagu dhaariyo sagaal xildhibaan oo Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhici doonta xarunta Baarlamaanka EAC ayaa la filayaa in ay goobjoog ka noqdaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo u tagaya si ay uga qeyb galaan xafladda dhaarinta xildhibaannada cusub.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galaya munaasabadda ayaa waxaa kamid ah Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, iyo wakiillo kale oo ka socda dowladda.

Sagaalka xildhibaan ee Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan matalaadda danaha Soomaaliya ee gudaha golahaasi, iyagoo ka qeyb qaadan doona go’aanada iyo siyaasadaha ay wadajirka u dejinayaan dalalka ku mideysan ururka EAC.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika, taas oo u suurtagelisay in ay xubno ku yeelato Baarlamaanka ururka, si ay uga qeyb qaadato arrimaha iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed iyo horumarinta gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *