Weerar Madaafiic ah oo Caawa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa tiro hoobiyeyaal laga maqlay qeybo kamid ah caasimadda, kuwaas oo la sheegay inay ku dhaceen meelo kamid ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde.
Sida ay sheegayaan ilo amni, qaar kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay xero ay degan yihiin Ciidanka Waran ee ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), balse ay maamulaan ciidamada Mareykanka ee taageerada siiya howlaha amniga.
Ilaa iyo hadda lama oga goobta saxda ah ee laga soo tuuray hoobiyeyaasha, hase yeeshee laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobo lagu tuhunsan yahay in laga soo tuuray, gaar ahaan xaafado ka tirsan degmooyinka Deeyniile iyo Garasbaaleey ee gobolka Banaadir. Ciidamada ammaanka ayaa halkaas ka bilaabay howlgallo lagu baarayo cidda ka dambeysay weerarka.
Sidoo kale, weli lama soo sheegin khasaaro rasmi ah oo ka dhashay madaafiicdan caawa lagu weeraray garoonka diyaaradaha.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ay yaraadeen madaafiicdii lagu soo tuuri jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde iyo xarumaha ku dhow, kuwaas oo inta badan lala xiriirin jiray dagaalyahannada Al-Shabaab.
Laamaha ammaanka iyo maamulka gobolka Banaadir weli si rasmi ah uga hadlin weerarka caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.









