LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Dowladda oo Caawa xirtay dhalinyaro dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh & mucaaradka oo ka hadlay
Ciidamo katirsan Saldhiga Booliska Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa gCaawa xiray Saddex Dhalinyaro ah oo dhawaan Shir jaraa’id oo ay qabteen ku dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo sheegay inay dhibaato ku heyso Dhalinyarada Muqdisho loona baahan yahay in leyska qabto.
Saddexda Dhalinyarada ah oo lagu kala Magacaabo Axmed Bulshaawi, Abuukar Boss iyo Najiib Cali Cosoble, kuwaas oo lagu xiray Saldhiga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Xubno katirsan Golaha Mustaqbalka oo kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Aadan Koofi ayaa cambaareeyay xarig Caawa Muqdisho loogu geystay Dhalinyaro dhawaan dhaliishay hab-dhaqanka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hoos Ka Akhriso Qoraalo ay soo saareen








