Madaxweyne Xasan Sheekh oo shuruud ku xiray wada-hadal uu la galo Laftagareen

Magaalada barakeysan ee Makka ayaa laga soo sheegay in xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha Hawiye oo halkaas ku sugan ay wicitaan telefoon u direen Madaxweynaha Somalia, iyagoo doonayay inay kala hadlaan xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa isaga iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka South West State of Somalia, Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud uu uga jawaabay wicitaankaas in uusan arrintaas kala hadli karin cid aan ahayn Taliyaha Ciidanka Asluubta, isagoo muujiyay in wada-hadalka ku saabsan khilaafka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Laftagareen uu ku koobanyahay masuuliyiin gaar ah oo arrintaas si toos ah ugu lug leh.
Dhanka kale, ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Laftagareen uu haatan ku sugan yahay magaalada Makka, isla markaana uu diiday inuu la kulmo cid kale inta uu halkaas joogo. Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in caawa oo ay taariikhdu tahay 27-ka bisha uu ku tukanayo Masjid al-Haram, halka subaxa berri la filayo inuu ka dhoofo magaaladaas.
Xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa weli ah mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan labada dhinac. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay siyaasadda dalka ka jiraan muranno la xiriira arrimo dowladeed iyo isfaham la’aan u dhaxeysa hoggaamiyeyaasha qaar ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.









