Al‑Shabaab oo 5 Qof ku Toogatay Fagaaro ku yaalla Degmada Jilib: Magacyada dadka oo la helay

Maleeshiyo ka tirsan ururka Al‑Shabaab ayaa markale toogasho fagaare ah ku dishay shan ruux oo rayid ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ahaayeen sirdoon la shaqeynayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo maamul-goboleedyada dalka.
Toogashada ayaa ka dhacday goob fagaare ah oo ku taalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo boqolaal qof oo shacab ah lagu amray inay isugu yimaadaan si ay u daawadaan dilka.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dhammaan dadka la toogtay ay ahaayeen rag, kuwaas oo Al-Shabaab ku eedeeysay inay u shaqeynayeen sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mareykanka iyo maamul-goboleedyada ka jira dalka.
Magacyada dadka la dilay ayaa lagu kala sheegay:
-
Cabdiraxmaan Isaaq Cali – 29 sano jir
-
Daahir Saciid Cabdi – 23 sano jir
-
Axmed Xasan Macalin – 40 sano jir
-
Cabdiraxmaan Maxamed Aweys – 27 sano jir
-
Xasan Cabdi Duruuf – 30 sano jir
Sidoo kale, wararku waxay tilmaamayaan in toddobaadyadii la soo dhaafay ay kordheen dilalka ay Al‑Shabaab u geysanayaan dadka ay ku eedeeyaan inay sirdoon u yihiin dowladda iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.
Degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ayaa muddo dheer ka mid ahayd deegaanada ay maamusho Al-Shabaab, halkaas oo marar badan ay ka dhacaan xukuno iyo dilal fagaare ah oo ay ururku fuliyo.









