Xog laga helay sababta loo xiray Gabadha Caanka ah ee daaci bilan

Ciidamada Sirdoonka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Daaci Bilan oo ka mid ah dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in Daaci Bilan laga qabtay Madaarka Hargeysa xilli ay Hargeyso kusoo laabatay, kadibna loo gudbiyay xabsiga magaalada. Xarigeeda ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay amar uu bixiyay Mustafe Neyjeeri oo ah ku-xigeenka Sirdoonka Somaliland.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in sababaha loo xiray Daaci Bilan ay la xiriiraan in ay magaalada Muqdisho uga qeyb gashay doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay qabatay dowladda Soomaaliya. Arrintaas ayaa la sheegay inay dhalisay tallaabada lagu xiray.
Daaci Bilan ayaa sidoo kale caan ku ahayd baraha bulshada, waxaana la sheegay inay ka mid ahayd dhalinyarada sida weyn u taageeri jirtay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Ilaa hadda si rasmi ah ugama hadlin hay’adaha amniga Somaliland xariga Daaci Bilan, mana cadda in dacwad rasmi ah lagu soo oogay.
Xariga Daaci Bilan ayaa durba hadal-heyn ka dhaliyay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay ka falceliyeen arrintaasi.









