Taliyeyaashii Dowladda Soomaaliya Baydhabo uga yeertay oo diiday iyo xog soo baxeysa

Qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka jawaabin u yeerid ay dhowaan u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu amray inay si degdeg ah ugu soo xaadiraan magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in inta badan taliyayaasha la faray inay yimaadaan Muqdisho ay weli ku sugan yihiin magaalada Baydhabo, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u dhaca ku yimid imaanshahooda.
Taliyayaasha weli ku sugan Baydhabo waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Amiin Mad Daruur, Taliyaha Saldhigga Booliiska Baydhabo Muqtaar Ibraahim Dugudoow, iyo Taliyaha NISA ee Koonfur Galbeed Maxamuud Shaahiyow. Lama xaqiijin in ay si toos ah u diideen amarka Dowladda Federaalka iyo in kale.
Dhanka kale, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maxamed Yiriis, oo fadhigiisu yahay Baydhabo, ayaa la xaqiijiyay inuu saakay gaaray magaalada Muqdisho, isagoo noqday taliyaha keliya ee ilaa hadda ka jawaabay u yeerista dowladda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay wadahadallo iyo la-tashiyo la yeelan doonto taliyayaasha la faray inay yimaadaan Muqdisho, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulamada la qorsheeyay.
Weli ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan sababta loo yeeray taliyayaashan iyo waqtiga ay imaan doonaan.









