Author: Banaadir24 Editor

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filayo in xubno ka tirsan beelaha Digil iyo Mirifle, oo ku jira Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), ay si rasmi ah uga dhawaaqaan ka bixitaankooda xisbiga. Xubnahan ayaa ku eedeeyay hoggaanka xisbiga in uu dayacay danaha iyo xuquuqda bulshooyinka ay matalaan, iyaga oo tilmaamay in deegaannadooda lagu qaaday duullaan, isla markaana ay jirto cadaalad darro iyo colaad si ula kac ah loogu huriyay shacabkaas. Sida ay sheegeen, sababta ugu weyn ee ay uga baxayaan xisbiga ayaa ah in aan waxba laga qaban cabashooyinkooda, isla markaana aysan jirin dadaal muuqda…

Read More

Ali Larijani waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus dalka Iran, isagoo door weyn ka soo qaatay siyaasadda iyo amniga qaranka muddo ka badan labaatan sano. Larijani waxa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna kasoo jeedaa qoys caan ku ah diinta iyo siyaasadda. Walaalkiis, Sadeq Larijani, ayaa sidoo kale xilal sare ka soo qabtay dowladda, taas oo muujinaysa saameynta qoyskaasi ku leeyahay nidaamka dalka. Waxa uu xilal kala duwan soo qabtay, oo ay ku jiraan madaxa warbaahinta qaranka Islamic Republic of Iran Broadcasting, halkaas oo uu hoggaaminayay siyaasadda warbaahinta dowladda muddo dheer. Sidoo kale, Larijani waxa uu ahaa xoghayaha…

Read More

Saraakiil ka tirsan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Calmiskaad ayaa si kulul uga hadlay xaalado ay ku tilmaameen kuwo adag oo ay wajahaan, iyagoo sheegay in aysan helin xuquuqdoodii aasaasiga ahayd. Saraakiishan ayaa sheegay in muddo ay ka maqan yihiin mushaaraadkoodii, gunnooyin iyo daryeelkii ay xaqa u lahaayeen, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid si weyn u niyad jebisay ciidamada ku jira jiidda hore ee dagaalka. “Ciidamada waxay u baahan yihiin dhiirigelin iyo daryeel joogto ah, balse hadda waxa jira dayac muuqda oo saameynaya howlgalka,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.…

Read More

Ciidan sida la sheegay ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gurigiisa ka watay Nabadoon Cabdullaahi Cali Aadan oo kamid ah odayaasha dhaqanka Beesha Gaaljecel. Askartan oo sida la xaqiijiyay ay ku jiraan Saraakiil CID-da katirsan aya laba habeen ka hor tagay guriga Nadoonka iyaga oo baaritaan ku sameeyay guriga uu deganaa Nabadoon Cabdullaahi sida xubna qoyska katirsan ay Warbaahinta u Sheegeen. Sidoo kale Odayaal dhaqan oo katirsan Ehelka Nabadddoonka ayaa sheegay in xarigan ay ka dambeyso Sanator Aqalka sare katirsan oo isla beesha Nabadoon ka kaso jeedo isla markaana uu khilaaf u dhaxeeyay mudooyinkii dambe, Nabadoonka ayaa xabsiga kasii daayey mid…

Read More

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu weheliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan oo looga hadlay u diyaar garowga maalmaha Ciida. Kulankan waxaa diiradda lagu saaray sidii xoogga loo saari lahaa sugidda Amniga goobaha Dalxiiska iyo wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo maalmaha Ciida ay isugu soo baxaan dadweyne kala duwan. Taliyaha ayaa Saraakiisha faray in si gaar ah loo caawiyo maalmaha lagu jiro munaasabadda Ciida waayeelka, caruurta ,Hooyooyinka iyo Naafada oo ah dadka ugu nugul…

Read More

Diyaarad ka timid magaalada Nairobi oo siday masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa laga celiyay hawada magaalada Baydhaba xilli ay damacsaneyd inay halkaas ka degto. Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaarada ay saarnaayeen xildhibaano tiro badan, kuwaas oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Fanax iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Axmed Mashruuc, kuwaas oo labaduba laga soo doorto Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale, xogta ayaa tilmaamaysa in xildhibaanada saarnaa diyaarada ay kamid ahaayeen Maxamed Mursal, Xildhibaan Saran-Soor iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur. Diyaarada ayaa lagu waramayaa inay dib ugu…

Read More

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabadii uu Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya xiriirka ugu jaray Dowladda Dhexe, iyadoo sidoo kale iska fogeysay eedeymaha la xiriira in ay khalalaaso amni ka waddo deegaannada maamulkaas. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo xasilloonida guud, isla markaana aysan wax lug ah ku lahayn arrimo amni darro oo ka dhaca Koonfur Galbeed. Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay in ay waddo dadaallo ku aaddan xalinta khilaafaadka jira, iyadoo mudnaanta siinaysa wadahadal iyo is-afgarad. Dowladda ayaa…

Read More

Inta badan xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay si buuxda u taageersan yihiin go’aanka ay qaadatay Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan joojinta xiriirka ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa lagu caddeeyay in go’aankaasi yahay mid ay u arkaan mid ku saleysan danaha siyaasadeed, amni iyo horumarineed ee deegaanada Koonfur Galbeed. Xildhibaanadu waxay sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay ay jireen caqabado iyo isfaham la’aan ka…

Read More

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, maanta laga hor istaagay inuu u safro magaalada Baydhabo. Ilo xog-ogaal ah oo arrintan ka war haya ayaa xaqiijiyay in go’aankan uu ka yimid maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Guddoomiyaha ayaa maanta ka soo laabtay safar uu ku soo gutay cimrada, waxaana qorshuhu ahaa inuu u ambabaxo Baydhabo si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. Wararka ayaa intaas ku daraya in tallaabadan looga gol leeyahay xoojinta…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Caawa Salaadi maqrib ka degay magaalada Baydhabo kadib safar lama filaan ah oo uu kaga yimid dhinaca dalka Itoobiya. Diyaarad gaar ah ayaa la sheegay inay soo qaaday madaxweynaha, iyadoo uu si toos ah uga soo degay Baydhabo, halkii uu ka mari lahaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli saaka maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay inuu hakiyay xiriirkii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya. 48-kii saac ee la soo dhaafay ayaa si weyn loo hadal hayay halka uu ku sugnaa Madaxweyne Laftagareen, iyadoo warar…

Read More