Laamaha amniga oo shir ka yeeshay sugida amniga maalaha ciida

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu weheliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka Todobaadlaha ee Hoggaanada, Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan oo looga hadlay u diyaar garowga maalmaha Ciida.
Kulankan waxaa diiradda lagu saaray sidii xoogga loo saari lahaa sugidda Amniga goobaha Dalxiiska iyo wadooyinka muhiimka u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo maalmaha Ciida ay isugu soo baxaan dadweyne kala duwan.
Taliyaha ayaa Saraakiisha faray in si gaar ah loo caawiyo maalmaha lagu jiro munaasabadda Ciida waayeelka, caruurta ,Hooyooyinka iyo Naafada oo ah dadka ugu nugul Bulshada mar walbana mudan in laga warhayo caawimaad gaar ahna loo fidiyo.







