Madaxweyne Laftagareen oo si lama filaan ah ku tegay baydhabo & Go’aan Caawa kasoo baxaya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Caawa Salaadi maqrib ka degay magaalada Baydhabo kadib safar lama filaan ah oo uu kaga yimid dhinaca dalka Itoobiya.
Diyaarad gaar ah ayaa la sheegay inay soo qaaday madaxweynaha, iyadoo uu si toos ah uga soo degay Baydhabo, halkii uu ka mari lahaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli saaka maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay inuu hakiyay xiriirkii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
48-kii saac ee la soo dhaafay ayaa si weyn loo hadal hayay halka uu ku sugnaa Madaxweyne Laftagareen, iyadoo warar kala duwan ay soo baxayeen, islamarkaana ay xitaa jahwareer ka muuqatay Madaxtooyada Soomaaliya oo aan si rasmi ah u xaqiijin karin goobta uu ku sugan yahay.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in caawa la filayo inuu madaxweynuhu qabto shir jaraa’id oo uu kaga hadli doono khilaafka sii xoogeysanaya ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu faahfaahin ka bixiyo halka uu khilaafkaasi ka soo bilowday iyo tallaabooyinka xiga ee uu qorsheynayo.
Khilaafkan ayaa imanaya xilli siyaasadda dalka ay wajahaysay xiisado isa soo taraya, waxaana indhaha lagu hayaa waxa kasoo bixi doona shirka jaraa’id ee caawa iyo saameynta uu ku yeelan karo xiriirka u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.









