Akhriso:- Taariikhda iyo Saamaynta Siyaasadeed ee Cali Larijani.

Ali Larijani waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu miisaanka culus dalka Iran, isagoo door weyn ka soo qaatay siyaasadda iyo amniga qaranka muddo ka badan labaatan sano.
Larijani waxa uu dhashay sanadkii 1957, wuxuuna kasoo jeedaa qoys caan ku ah diinta iyo siyaasadda. Walaalkiis, Sadeq Larijani, ayaa sidoo kale xilal sare ka soo qabtay dowladda, taas oo muujinaysa saameynta qoyskaasi ku leeyahay nidaamka dalka.
Waxa uu xilal kala duwan soo qabtay, oo ay ku jiraan madaxa warbaahinta qaranka Islamic Republic of Iran Broadcasting, halkaas oo uu hoggaaminayay siyaasadda warbaahinta dowladda muddo dheer.
Sidoo kale, Larijani waxa uu ahaa xoghayaha Golaha Ammaanka Qaranka Sare ee Iran, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee qaabilsan arrimaha amniga iyo istiraatiijiyadda dalka. Intii uu xilkaas hayay, waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray wada-hadalladii la xiriiray barnaamijka nukliyeerka Iran iyo xiriirka ay la leedahay quwadaha caalamka.
Sanadkii 2008, waxa loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Iran (Majlis), xilkaas oo uu hayay ilaa 2020. Mudadaas, waxa uu caan ku noqday inuu yahay siyaasi dhexdhexaad ah oo mararka qaar dheelitira aragtiyada adag ee kooxaha muxaafidka ah iyo kuwa isbeddel-doonka ah.
Larijani waxa uu sidoo kale ahaa musharrax madaxweyne hore, inkasta oo aanu ku guuleysan, haddana waxa uu sii haystay saameyn siyaasadeed oo muuqata gudaha dalka.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Larijani uu ahaa maskax istiraatiiji ah oo door weyn ka qaatay qaabaynta siyaasadda gudaha iyo dibadda ee Iran, gaar ahaan xilliyo xasaasi ah oo ay dalka la kulmayeen cunaqabateyn iyo xiisado caalami ah.
Wararka ku saabsan xaaladdiisa ama geeridiisa ayaa si weyn u soo jiitay indhaha caalamka, iyadoo la tixgelinayo doorkii uu ku lahaa siyaasadda Iran iyo gobolka Bariga Dhexe.
Waxaa qoray Wariye Ridwaan Xaaji









