Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed oo Go’aan culus ku dhawaaqay

Inta badan xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay si buuxda u taageersan yihiin go’aanka ay qaadatay Dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan joojinta xiriirka ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa lagu caddeeyay in go’aankaasi yahay mid ay u arkaan mid ku saleysan danaha siyaasadeed, amni iyo horumarineed ee deegaanada Koonfur Galbeed.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay ay jireen caqabado iyo isfaham la’aan ka dhex jirtay Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeyntii iyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada. Waxay intaas ku dareen in go’aanka uu yahay mid lagama maarmaan u noqday ilaalinta danaha shacabka iyo xasiloonida deegaanada maamulkaas.
Sidoo kale, war-saxaafadeedyada ayaa lagu muujiyay taageerada Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo xildhibaanadu ku ammaaneen hoggaamintiisa iyo go’aanka uu qaatay, iyagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada labada Aqal ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dib u eegto siyaasaddeeda ku wajahan dowlad goboleedyada, isla markaana ay qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta iyo kalsoonida ka dhaxaysa heerarka kala duwan ee dowladda.
Gabagabadii, xildhibaanada ayaa ku adkeeyay inay garab taagan yihiin shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed, ayna sii wadi doonaan dadaallada ay ku difaacayaan xuquuqda iyo danaha deegaanadooda.










