Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo laga hor istaagay safar uu ku tagi lahaa Baydhabo

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, maanta laga hor istaagay inuu u safro magaalada Baydhabo.
Ilo xog-ogaal ah oo arrintan ka war haya ayaa xaqiijiyay in go’aankan uu ka yimid maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Guddoomiyaha ayaa maanta ka soo laabtay safar uu ku soo gutay cimrada, waxaana qorshuhu ahaa inuu u ambabaxo Baydhabo si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa intaas ku daraya in tallaabadan looga gol leeyahay xoojinta mowqifka maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe. Sidoo kale, waxaa la sheegay in arrintan ay la xiriiri karto damaca siyaasadeed ee Guddoomiyaha, maadaama Aadan Maxamed Nuur Madoobe lagu tilmaamo musharax u taagan xilka Madaxweynaha.
Ilaa iyo hadda, lama oga tallaabada ay qaadi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo xaaladdu u muuqato mid sii cakirmeysa. Go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale la sheegay inuu qeyb ka yahay xiriir sii xumaanaya oo u dhexeeya labada dhinac, kaasoo maraya marxalad xasaasi ah.
Dowladda Federaalka weli kama aysan hadlin si rasmi ah dhacdadan, hase yeeshee indhaha siyaasadda ayaa ku jeeda tallaabada xigta ee ay qaadi doonto, maadaama arrintan ay saameyn ku yeelan karto xaaladda guud ee dalka.









