LATEST NEWSWARARKA

Sawirro:- Saraakiil & Askar ka qeyb gashay dagaalkii Daacish ee Puntland oo dacwo ah

Saraakiil ka tirsan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee Calmiskaad ayaa si kulul uga hadlay xaalado ay ku tilmaameen kuwo adag oo ay wajahaan, iyagoo sheegay in aysan helin xuquuqdoodii aasaasiga ahayd.

Saraakiishan ayaa sheegay in muddo ay ka maqan yihiin mushaaraadkoodii, gunnooyin iyo daryeelkii ay xaqa u lahaayeen, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid si weyn u niyad jebisay ciidamada ku jira jiidda hore ee dagaalka.

“Ciidamada waxay u baahan yihiin dhiirigelin iyo daryeel joogto ah, balse hadda waxa jira dayac muuqda oo saameynaya howlgalka,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa xusay in sahayda iyo taageerada dagaalka ay aad u kooban tahay, taasoo adkeynaysa fulinta howlgalada ka socda aagga Calmiskaad. Waxay tilmaameen in qalabka iyo agabka muhiimka ah aysan ku filnayn xaaladaha dagaal ee ay wajahayaan.

Dhanka kale, waxay dhaliileen qaabka abaabulka iyo xiriirka u dhexeeya ciidamada furimaha jooga iyo hoggaanka sare, iyagoo ku sifeeyay mid aan waxtar badan lahayn, isla markaana u baahan dib-u-habeyn degdeg ah.

Saraakiisha ayaa ugu baaqay madaxda Puntland in si degdeg ah loo xaqiijiyo xuquuqda ciidamada, loona hagaajiyo nidaamka maamulka iyo taageerada howlgalada, si loo xoojiyo kalsoonida ciidamada iyo waxqabadkooda.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen in haddii aan si dhakhso leh wax looga qaban cabashooyinkooda, ay taasi saameyn ku yeelan karto howlgalada socda iyo guud ahaan amniga gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *