Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay tallaabadii uu xiriirka ugu jaray Maamulka Koonfur Galbeed

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabadii uu Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya xiriirka ugu jaray Dowladda Dhexe, iyadoo sidoo kale iska fogeysay eedeymaha la xiriira in ay khalalaaso amni ka waddo deegaannada maamulkaas.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka iyo xasilloonida guud, isla markaana aysan wax lug ah ku lahayn arrimo amni darro oo ka dhaca Koonfur Galbeed.
Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay in ay waddo dadaallo ku aaddan xalinta khilaafaadka jira, iyadoo mudnaanta siinaysa wadahadal iyo is-afgarad. Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara xiisadda, isla markaana ay doortaan dariiq nabadeed oo lagu xalliyo ismaandhaafka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka ayaa muujisay rajo ah in wadahadalka la wado uu horseedi doono xal waara oo lagu soo afjaro khilaafka, laguna xaqiijiyo nabad iyo xasillooni ka hanaqaadda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda.










