Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda Ciidul-Fitriga awgeed cafis u fidiyey 127 maxbuus oo ku xirnaa xabsiyada kala duwan ee Puntland. Go’aankan ayaa yimid iyadoo la tixgelinayo qiimaha ay leedahay munaasabadda Ciidda oo ah waqti ku saleysan iscafinta, naxariista iyo isu tanaasulka, taas oo qeyb ka ah dhaqanka iyo diinta Islaamka. Madaxweynaha ayaa cafiskan u adeegsaday fursad lagu dhiirrigelinayo dib u sixidda maxaabiista iyo ku laabashadooda bulshada si ay u noqdaan muwaadiniin wax ku ool ah. Maxaabiista la sii daayey ayaa ku kala xirnaa xabsiyada magaalooyinka Badhan, Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacyo, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaada…
Xildhibaanno mucaarad ah oo isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah” ayaa si rasmi ah u taageeray go’aankii Maamulka Koonfur Galbeed uu xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan ayaa lagu sheegay in go’aanka Koonfur Galbeed uu yahay mid ku yimid xaalado siyaasadeed oo adag, isla markaana ay xuseen in faragelin iyo cadaadis siyaasadeed oo ay sheegeen in dowladda federaalka ku hayso maamulkaas ay sabab u noqotay go’aankaasi. Xildhibaannada ayaa sidoo kale uga digay mas’uuliyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ku howlan yihiin carqaladeynta amniga iyo xasilloonida deegaannada…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano, uu amar ku bixiyay in dhammaan taliyeyaasha degmooyinka iyo gobollada ee Galmudug ay yimaadaan magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay inay maanta soo gaareen saraakiishii ugu dambeysay. Xog horudhac ah oo ay heshay warbaahinta Galwaaq Media, kana timid ilo ku dhow taliska booliska, ayaa tilmaamaysa in ujeeddada kulankan ay salka ku hayso laba arrimood oo muhiim ah: Waxaa la doonayaa in la ogaado saraakiisha diyaar u ah inay qaataan amar kasta oo kasoo baxa taliska dhexe iyo kuwa laga yaabo inay diidaan haddii uu khilaaf yimaado. Taliyaha…
Afar xubnood oo ka tirsanaa xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhawaaqay inay iska casileen xubinnimadii xisbigaas. Xubnaha is-casilay ayaa kasoo jeeda deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxayna go’aankooda ku sababeeyeen arrimo la xiriira aragti siyaasadeed iyo jihada uu xisbigu u socdo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen. Dadka is-casilay waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe), Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan), iyo xubno kale oo xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiga. War-saxaafadeedka ayaa lagu…
Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS), iyadoo tixgalinaysa Dastuurka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 50aad faqraddiisa 1aad, 2aad iyo 3aad, isla markaana ka duuleysa xaaladaha cakiran ee ka taagan dowladnimada iyo nidaamka federaalka ee dalka, ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka tarjumaya mowqifkeeda ku aaddan xaaladda dalka. Kadib kulamo gaar gaar ah oo lala yeeshay xubnaha bulshada gole, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, islamarkaana lagu qiimeeyay duruufaha taagan, DKGS waxay soo saartay qodobadan hoos ku xusan: 1. Cambaareyn ku aaddan tallaabooyinka Dowladda Federaalka DKGS waxay si adag u cambaareyneysaa tallaabooyinka ay sheegtay in ay burburinayaan…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si cad u taageeray mowqifka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, isagoo ka digay in dalka uu geli karo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuriga ah haddii aan la gaarin heshiis qaran kahor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hadda talada haya. Qoraal uu Farmaajo ku baahiyey bartiisa X (Twitter), ayuu ku sheegay in muddada sharci ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eg tahay 15-ka May 2026, isla markaana ay lama huraan tahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran si looga hortago firaaq siyaasadeed iyo mid dastuuri ah. “Muddada sharciga ah ee Madaxweyne Xasan…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta iska horimaad uu ka dhacay xaafadda Deymaroodi oo ka tirsan degaanka Gubta, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay isku dayeen in ay la wareegaan dhul ay degan yihiin dad shacab ah. Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo bannaanbax ka dhigayay arrinta la xiriirta dhulka lagu muransan yahay. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay rasaasta, halka qof kale uu ku dhaawacmay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada howlgalka waday uu hoggaaminayay taliye ku…
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in wax ka bedel kasta oo lagu sameeyey Dastuurkii 2012kii ay sharci darro yihiin, Soomaaliyana ay leedahay hal Dastuur oo ah kii 2012kii, ayna Koonfur Galbeed sharci darro u aragto wax ka bedel kasta oo aan loo marin habraacyada sharciga ah ee la yaqaano. Sidoo kale Madsxweyne Laftagareen ayaa iska casilay Xubinimadii Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP oo uu ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Xisbiga. Laftagareen ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xassan Sheikh in uu si deg deg ah iskugu yeero golihii madasha wadatashiga Qaran ee uu kala…
Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay hawlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu beegsanayay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab. Hawlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Buulaloow oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa xaqiijiyay in hawlgalkan lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo afar (4) xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo haatan ku jira gacanta ciidamada ammaanka. Ciidamada Danab ayaa muujiyay feejignaan, xirfad iyo diyaargarow sare intii uu socday hawlgalka, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarin. Tani waxay muujineysaa heerka sare ee tababarka iyo awoodda ay…
Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi laga hor istaagay xubno wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli ay doonayeen inay safar uga dhoofaan garoonka, kuna wajahnaa magaalada Baydhabo. Xubnaha lagu hakiyay garoonka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dekedaha, Guddoomiyaha Shaqaalaha Rayidka ee Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale Xildhibaan Booroow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysa tallaabadan lagu joojiyay mas’uuliyiintan, hase yeeshee dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo…