Booliska Soomaaliya oo Gurigiisa kala baxay Nabaddoon Caan ah

Ciidan sida la sheegay ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gurigiisa ka watay Nabadoon Cabdullaahi Cali Aadan oo kamid ah odayaasha dhaqanka Beesha Gaaljecel.
Askartan oo sida la xaqiijiyay ay ku jiraan Saraakiil CID-da katirsan aya laba habeen ka hor tagay guriga Nadoonka iyaga oo baaritaan ku sameeyay guriga uu deganaa Nabadoon Cabdullaahi sida xubna qoyska katirsan ay Warbaahinta u Sheegeen.
Sidoo kale Odayaal dhaqan oo katirsan Ehelka Nabadddoonka ayaa sheegay in xarigan ay ka dambeyso Sanator Aqalka sare katirsan oo isla beesha Nabadoon ka kaso jeedo isla markaana uu khilaaf u dhaxeeyay mudooyinkii dambe,
Nabadoonka ayaa xabsiga kasii daayey mid kamida odayaasha beesha oo mudo u xirnaa Sanatorada taasina ay keentay caro ka dhalatay.
Sanator Zamzam Cabdullahi oo ah qofka lagu eedeeyey xariga Nabadoonka ayaa beenisay warka noocaas iyada oo ku tilmaantay war been abuur ah









