LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Xubno ka tirsan Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo iscasilaya

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la filayo in xubno ka tirsan beelaha Digil iyo Mirifle, oo ku jira Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), ay si rasmi ah uga dhawaaqaan ka bixitaankooda xisbiga.

Xubnahan ayaa ku eedeeyay hoggaanka xisbiga in uu dayacay danaha iyo xuquuqda bulshooyinka ay matalaan, iyaga oo tilmaamay in deegaannadooda lagu qaaday duullaan, isla markaana ay jirto cadaalad darro iyo colaad si ula kac ah loogu huriyay shacabkaas.

Sida ay sheegeen, sababta ugu weyn ee ay uga baxayaan xisbiga ayaa ah in aan waxba laga qaban cabashooyinkooda, isla markaana aysan jirin dadaal muuqda oo lagu difaacayo xuquuqda dadka ay matalaan.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya calaamado muujinaya kala fogaansho sii kordhaya oo u dhexeeya qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka. Qaar ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka ayaa u muuqda inay u janjeeraan dhinaca hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Warar kale ayaa sheegaya in ilaa siddeed senator iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay taageereen go’aanka maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku muujinayaan mowqifkooda.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay tahay mid xasaasi ah, iyadoo la filayo in go’aamada soo socda ay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *