LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Diyaarad Siday Wasiiro iyo Xildhibaano oo Laga Celiyay Hawada Baydhaba

Diyaarad ka timid magaalada Nairobi oo siday masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaano ayaa laga celiyay hawada magaalada Baydhaba xilli ay damacsaneyd inay halkaas ka degto.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaarada ay saarnaayeen xildhibaano tiro badan, kuwaas oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Fanax iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Axmed Mashruuc, kuwaas oo labaduba laga soo doorto Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, xogta ayaa tilmaamaysa in xildhibaanada saarnaa diyaarada ay kamid ahaayeen Maxamed Mursal, Xildhibaan Saran-Soor iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur.

Diyaarada ayaa lagu waramayaa inay dib ugu laabatay magaalada Nairobi kadib markii ay u hoggaansantay amar ka soo baxay maamulka hawada Soomaaliya, kaas oo ka hor istaagay inay ka degto garoonka diyaaradaha ee Baydhaba.

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah xayiraada socdaalka oo ay Dowladda Soomaaliya saartay degaannada Koonfur Galbeed, iyada oo uu sii xoogeyanayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *